QOYS SOOMAALIYEED OO ABBAHOOD AMISOM DISHAY XAQOODIINA KA LA’ OO KU DHIBAATAYSAN MUQDISHU

maydkii oo dul dhooban yahayMeeshu waa magaalada Muqdisho, Waddada Makka Al-mukarama, meel ku dhaw Hotel Ambassador, Xilligu waxa uu ahaa 9:00 am, 28-kii January 2014-ka, markii laba Gaari oo ay wateen ciidamada Nabad-ilaalinta Soomaaliya ee loo yaqaan AMISOM ay si arxan-darro ah ku jiireen nin magaciisa la odhan jirey Saalax Nuur Maxammed oo dhanka koofur u goynayey Laamiga hormara Hotelka Ambassador, ee u dhaw Trepiano. Waxa uu  iska fiirinayey Saalax markii uu waddada gudbayey dhanka bidixdaa oo Gawaarida  ka soo socoto.  Hase yeeshee, isla xilligaa waxa ay ka yimaadeen dhanka Midigtaa iyaga oo xawli ku socda, isla markaana marayey Waddo khaldan.  Marxuun Saalax  isaga oo aan iska eegin dhanka Midig, maaddaama uusan Gawaari ka filayn ayuu soo galay waddadii.

 

Nasiib darro, labo Gaari oo Gaashaaman ayaa si kedis ah oo deg-deg ah ugu yimid,  waxaa ku dhacay kii hore, iyadoo ay jug culus gaartey oo uu doonayey in uu ka kaco ayaa waxaa ku yimid kii dambe  – oo markii hore arkayey in uu jiirey kii hore – ayaa isna isa sii raacsiiyey oo Madaxa ka maray. Saalax Madaxiisii ayaa qarxay, Maskaxdiisiina meesha ayey ku daadatay, isla markiina nafta ayaa ka baxday.

 

Dadkii goobtaas joogay ee dhacdadaa arkayey oo aad uga xumaaday Khaladkaas iyo dhacdadaa foosha xun ee ciidamada Amisom geysteen ayaa qaylo afka furtay. Laakiin waxba kama aanay qaban Karin oo Gawaarida maba istaagin oo way iska tageen.
(Halkaan ka eeg QORAAL laga qoray Dhacdadii maalintaa iyo sida AMISOM aysan u ixtiraamin Sharciyada waddooyinka http://somalitalk.com/2014/01/30/amisom-ma-ka-weyn-tahay-sharciga-wadooyinka/)

 

mudaharaad shacabkaGawaaridii waxa ay iska sii wateen socodkoodii, iyagoo kor ka soo eegaya ninkii ay jireen, waxayna u muuqdeen dad aan wax dhib ah geysan, dhimashada ninkaasna waxba ugu toornayn. Shacabkii Soomaaliyeed ee aaggaas joogey ayaa markii ay Arkeen Dulmigaas cad, waxay bilaabeen in ay Muddaaharaadaan, iyagoo diiday in Maydka ninkaas Soomaaliga ah aan la qaadin ilaa laga soo qabto Dambiileyaashii Marxuumkaan aan waxba galabsan  dilay.

 

 Waxaa ku soo baxay Ciidanka Police ka iyo kuwa Taraafikada, waxayna bilaabeen in ay dadkii isugu soo baxay Muddaaharaadka Xabbad ku kala cayriyaan, waxayna ku rideen Xabbado badan, taasoo kalliftay in meeshii lagu kala cararo, hase yeeshee waxaa jirey dad sii joogey goobta oo aan Xabbadahaas ka cararin oo ay ka mid ahaayeen carruurtiisii, Xaaskiisii oo ku dul Barooranayey iyo saaxiibadiisii iyo dad kale oo arrintaas aad uga damqaday.

 

Markii ay Muddaaharaadeyaashii kala dareeri waayeen ayaa waxay Aakhirkii keentay in la raadsho Gawaaridii dilka geysatey, waxaana la soo helay labadii Gaari. Waxaa la qorey Dacwaddii iyo dhacdadii.  Si ay u oggolaadaan in Maydka Jidka laga qaado lana Duugo, waxaa shacabkii lagu qanciyey in arrintaas ay Police ka wax ka qabanayaan, Askartii Gawaaridaas waddayna Maxkamad la soo taagayo, lana marsiinayo Sharciga, iyada oo sidoo kale ciddii lagu qanciyey in la siinayo Magtii Aabbahood, waxaana la ballan qaadey in si deg-deg ah lagu bixinayo Magta Marxuum Saalax, waxaa isla goobtaas dammaanad-qaaday in ay Magtaas AMISOM ka soo qaadayaan Police ka oo iyagu dacwaddaas qorayey, waxayna taasi rajo-gelisay Qoyskii iyo Shacabkii Soomaaliyeed ee dhacdadaas foosha xun ku soo baxay.

 

Policekii oo Goobta yimidMaalintaas ka-dib, wax war lagama helin AMISOM iyo Dawladda Soomaaliyeed toona, waxaana ehelada Marxuumka la ballamiyaa maalin walba, iyadoo Police kii dammaanad-qaaday Xaqii Marxuum Saalax ay ku lee yihiin Odayaasha iyo Qoyska “Beri soo laabta, saadambe soo laabta” waxayna hadda soo istaageen QUUS, ka-dib markii ay arkeen sida loo luggoynayo, kana war-heleen dad ay horey AMISOM qasaaro ugu geysatey oo aysan siinin wax xaq ah. Welina qoysku ma helin Qareen Mutadawac ah oo xuquuqdooda raadiya, mana haystaan waxay ku kireystaan Qareen.

 

Xarunta Calikaar ee Nabadda, Xuquuqul Insaanka iyoTala-wadaagga ee loo yaqaan (APHAD) ayaa waxay isku dayday in ay xaaladda reerkaas u dhabba-gasho, waxayna booqosho ku tageen Gurigii reerku uu ka dagganaa Magaalada Muqdishu, gaar ahaan xaafadda Maajo ee Dagmada Waaberi. Waxaan la kulannay Xaaskii Marxuum Saalax, Marwo Xakiimo Xuseen Aadan oo aad u murugeysanayd iyo carruurtii ay u dhashay oo 9 ahaa (3 wiil iyo 6 gabdhood) oo iyaguna ka muuqatey diif, murugo iyo ka-wal-walka xaqii Aabbahood iyo Mustaqbalkooda. Waxaa kaloo guriga joogey 6 carruur ah oo kale oo agoon ah oo Saalax walaalkiis dhalay oo noloshooda iyo wax-barashadooda uu isagu gacanta ku hayey. Marwo Xakiimo waxay inoo sheegtey in Saalax ahaa nin ay aad u jeclayd waqti ka badan 25 sano ay isla soo qaateen, waxay ahaayeen Qoys ka soo jeeda Qabiilka Beesha Jareer, waxay sidoo kale inoo sheegtey in ay ku noolaayeen waxa uu soo shaqeeyo Saalax oo ahaa Taxi-le biilka iyo nolosha qoyska ka soo saari jirey Taxi kiro ah. Saalax Qoyska noloshiisa kaliya kuma dadaali jirine, wuxuu kaloo soo-saari jirey oo aad ugu dadaali jirey carruurta Wax-barashadooda, waxayna reerku ku noolayeen nolol ay aad ugu faraxsanaayeen xilligaas.

 

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMarwo Xakiimo ayaa inooga warrantay Dhacdadaas, waxay tiri iyadoo sheekeynaysa “Saygayga Saalax, waxaan subaxaas ku ballansanayn in aan aadno Xamar Weyne oo aan soo booqanno qaar ka mid ehelada yada iyo in aan ka soo adeeganno Suuqa Xamar Weyne, wuxuu isoo wacay daqiiqado ka hor inta uusan dhiman isagoo I yiri diyaar-garow waan kuu imaanayaaye, hase yeeshee markaan isku diyaariyey in aan baxo, ayaa waxaa ii yimid wiil ordaya oo dhahaya Saalax waa dhintay isla markiiba meeshii ayaan ku dhacay waana miyir daboolmay waxaana la ii qaadey meeshuu ku dhintay, waxaan arkay isagoo Mayd ah oo ay si xun Gawaarida AMISOM Madaxa uga mareen, oo Maskaxdisii Laamiga dhexdiisa daadsanayd. Meeshii ayaa iska ag fariistey, waana la hadlayey anoo u qabey in uu ila hadli karo, hase yeeshee dadkii ayaa laamigii iga qaaday oo I geeyey meel hoos ah aniga iyo qaar ka mid ah carruurteydii. Waxaana meeshaas isugu soo baxay Soomaali badan oo muddaaharaadaysay, oo diiddanayd in Maydka Saalax la qaado ilaa la keeno dhagar-qabaye yaashii Marxuumkaas dilay, laakiin Police ayaa yimid oo dadkii xabbado ku furey si ay u kala cayriyaan. Aniga iyo carruurtaydii iyo qaar kaloo ka mid ahaa Shacabkii Muddaaharaadayey maysan cararin, waxaana ku adkaysannay in la keeno dadkii Marxuumkaan dilay. Waxaa markii dambe naloo sheegey in la soo qabtey dhagar-qabeyaashii, xaqii Saalaxna la bixinayo, markaas ayaan oggolaanay in Maydka la qaado lana soo aaso. Runtii waxay ii ahayd Qiyaame igu soo dumay maalintaas ilaa iyo haddana maskaxdaydu caadi ma ahan, waana isla had-hadlaa, waxaa igu badan Walaaca, qarowga, riyo naxdin leh iyo xasuus xanuun badan leh”.

 

 OLYMPUS DIGITAL CAMERAXakiimo, ka soo sokow ninkii adduunka ay ugu jeclayd ee ay wayday, waxay aad uga wal-walsanayd helitaanka Xuquuqdooda, Nolosha qoyskeeda agoonta ah, Wax-barashadooda iyo Mustaqbalkooda. Si ay nolosha asaasiga ah ee qoyska u dabbarto, waxay bilowday in ay soo amaahato Makiinadda dharka lagu tolo oo ay gurigeeda keensato si ay xaafadaha dariska ah ay dharka ugu tosho, iyadoo qaadatey dhawr beri oo tababar ah – welina ay tababarkii ku jirto – waxaana ku  arkay xoogaa dhar ah oo loo keensaday in ay Tosho. Waxay inoo sheegtey in aysan weli helin Macaamiil ku filan, Makiinadduna ay tahay mid la soo isticmaalay. Waxay kaloo ka fekaraysay in ay hesho wax uun shaqo ah oo reerka ay ku sii dabbarto, laakiin maysan helin dad ka caawiya nolosha iyo shaqo-heliddaba. Marka ay sheekeynaysaba waxaa ku soo joogsanaysay ilmo, taasoo marna ay ku soo dhacaysey ninkeedii Musiibada ku dhacday, marna ay xasuusanaysay sida ay xaqqii ninkeedii dhintay mugdiga u galay, marna mustaqbalka iyo la hardanka nolosha cusub ay milicsanaysay.

 

OLYMPUS DIGITAL CAMERA Warda Saalax waa Gabar uu dhalay Saalax oo 19 sano jir ah oo dhigata Iskuulka AL-IMRA, Fasalka Saddexaad ee Dugsiga sare, waxay iiga sheekeysay qisada aabbeheed iyadoo ilmaynaysa, waxayna haaraamaysay AMISOM, iyadoo lahayd “Aabbaheyna waa dileen, xuquuqdiisina  meelaan uga raadsano ma naqaan, mana jiro qof awood leh ama la ix-tiraamo oo xaqa yagii inooga raadiya AMISOM, waxaanu nahay Masaakiin aan cid taakulaysa haysan”.

Iyadoo ka hadlaysa mustaqbalkeeda, waxay tiri “ma aqaan sidii aan ku dhammaysan lahaa Dugsiga sare inta yar ee iiga dhimman, oo ma haysto qof iskuulka iga bixiya. Rajadii Waxbarasho iyo tan Mustaqbaleed ee aan qabay waa soo yaraatey, haddii aan Dugsiga sare dhammeeysto ayaan buro sidaa. Aabbahey ilaa Jaamacad ayuu ii ballanqaaday, wuxuuna mar walba la hadli jirey dad arrintaas kala shaqeeya oo Turkiga iyo meelo kale ayuu Deeq barasho iiga sii baadi goobi jirey. Hadda taas  ma leh, waxayna noqonaysaa sidii aan hadda uga fakari lahaa nolosha asaasiga ah ee cidda iyo carruurta iga yar yar iyo taakulaynta hooyaday”.

 

iyadoo marna ooyaysa marna habaareysay ciidamada AMISOM ayey hadalka sii wadatay waxayna ugu dambeyntii u cabanaysay Ilaahay iyadoo leh “Allow cid aan adiga ahayn ma haysanno, siduu xaalkayagu yahayna waad aragtaa, nacaawi oo xaqa yagii nooga keen dadka na dulmiyey”.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

 

 

Maxamed Xuseen, waa wiil uu adeer yahay u yahay  Saalax, waana 20 jir agoon ah,oo uu soo koriyey, oo dugsiga sare fasalka ugu dambeeya dhigta ayaa isna aad uga naxsanaa dhibaatada soo gaartey adeerkiis, wuxuuna go’aansaday sannadkaan in uu joojin doono wax-barashada, uuna doonayo in uu reerka adeerkiis ka dhintay iyo naftiisaba saacido isaga oo raadsanaya shaqo, wuxuuna ka walwalsan yahay shaqo-helitaanka, wuxuuna yiri “shaqo si deg-deg ah laguma heli karo, shaqada Muqdishu taallana waxay ku xiran tahay bar-garasho iyo qabiil, labadaasna midna ma haysto, oo dadkayagu dhaqaale ma leh”.

 

 

 

 

OLYMPUS DIGITAL CAMERAWaxaa sidoo kale inoo warramay Haaruun Saalax oo 17sano jir ah, dhigtana fasalka 8aad, oo isna dareemey dhibaatada ay agoonnimadu leedahay, wuxuu yiri “ Waxaan maqli jirey hebel waa agoon, mana fahansanyd waxa ka maqan dadk agoonta ah, laakiin maantaan ogaaday; aabbahay markuu dhintay, waxaa ciriiri gashay noloshayadii, Wax-barashadayadii iyo Mustaqbalkayagii, waxaana maanta ka fakaraynaa waxaan cunno, waxaana taas nabadday AMISOM, oo aabbahay oo noolashayadii ahaa na dhaafisey, xaqiisiina naduudsiinaysa. Waxaa na dishay maalin kasta soo laabta, annaga oo taas ku wareersanayn ayaan waxaan helnay macluumaadyo dad hore oo Gawaaridoodu mareen oo qaarna dhinteen, qaarna naafo yihiin oo ilaa iyo imminka waxba aan loo qaban, markaas ayaan candhuufteennii dib u liqnay, soo laabtana waa daalis iyo inta niyad jabaan ha iska samreen sida dadkii hore. Maanta Aabbana ma haysanno, xaquuqdayadiina maanaan helin, qaraabo hanti lehna ma lihin, cid kale oo na caawinaysana ma haysanno –xitaa qareen waa waynay nacaawiya- meel aan nolosha ka bilawnana garan mayno”.

 

Wuxuu is waydiinayey su’aalahan “Ma miyuusan AMISOM sharcigu qaban karin? Maxaa ku dhacay dawladda? Mise Qabiilka aan ka soo jeedno ayaan macne la lahayn? Ma naqaan waxaan samaynno!”

 

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

 

Siraad Saalax oo 15 jir ah ayaa iyadu baddashay Gabar reerka caawin jirtey, shaqaale ahaanna u joogi jirtey guriga maaddaama aanan waxba loo heli Karin hadda. Waxay Siraad tiri “anigu Wax-barashadii iyo ardaynimadii waan joojiyey waxaan hadda bilaabay in aan guriga ka shaqeeyo, maadaama gabadhii guriga ka shaqeynaysay la direy. Waxaa maanta sidaan inoo galay waa AMISOM, indhahay naga rideen, mustaqbalka nagiina way baabi’yeen, ilaahay ha inoo Naxariisto, annaga in ay sidaas noo galaan ayey waddanka u yimaadeen” ayey ku catawday iyadoo madax-lulid, oohin iyo faruuryo-qaniinsi isku dareysay.

 

 

 

OLYMPUS DIGITAL CAMERAWaxaan sidoo kale la kulannay Odayaasha Dhaqanka beesha Saalax, waxay inoo sheegeen in ay SAMIR ka taagan yihiin helitaanka Xaqa Saalax, waxay lahaayeen “Dawladda ayaa nagu tiri annaga ayaa Xaqii ka keenayna AMISOM oo mar hore naga ballan-qaadday, waxayna maalin walba lee yihiin berri soo laabta waa la helayaa xaqiiye, waxayna hadda ku dhaw dahay labo BIL, wax natiijo ahna kama haynno, waxaana hadda ka taagannahay QUUS, wax naga caawiya sidii Xaqa loo heli lahaana ma haysanno, Dawladdii Soomaaliyeedna waxba waa inoo qaban wayday, mana naqaan meel lagala xiriiro AMISOM. Waxaan u malaynaynaa in haddii aan ahaan lahayn Qabiilaadka xoogga badan, in warka yaga la dhageysan lahaa, laakiin Qabiilkaan nahay ayaan u malaynaynaa in aan wax ku waynay”, waxay intaas sii raaciyeen “Hadda waxaan isku dayeynaa in aan ciddii wax heli karta aan reerka wax u waydiino xaqaasna ka samirno”.

 

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

 

Carruurta oo gaareysa 15 qof, oo uu Saalax dhalay 9 ka mid ah, 6-da kalana ay ahaayeen agoon uu adeerro u yahay ayaa maalintaas waxaa ka wada muuqatay tiiraanyo, murugo, calaal-xumo, Diif iyo Niyad-jab ay ka qabeen mustaqbalkooda iyo xaqii aabbahood, intaan wareysanaynayna waa wada ooyayeen, iyagoo qaarkood oohin darteed ay inoo suuroobi wayday in aanu wareysanno, iyagoo codsanayey waxa aan u qaban karno markaas.

 

 

 

Marxuumka madaxiisii uu gaarigu jiirey

Reerka Saalax ka tagey oo ah reer xaas ah oo ballaaran oo u muuqday reer tabaalaysan, oo musiibada adduunyadu taabatay, lana daris noqday murugo iyo niyad-jab soo wajahday, ayaa waxay haatan u baahan yihiin taageero gudaha ah iyo mid caalami ah oo ku taban taabiya helitaanka xaqoodii. Waxay u baahan yihiin Qareenno gudaha ah iyo kuwo caalami ah oo u qareema una dooda Xuquuqdooda.

 

 

 

 

 

Xarunta Calikaar Ee Nabadda, Xuquuqul Inkaaska iyo Tala-wadaagga (APHAD), waxay soo jeedinaysaa:

  1. Inshacabka Somaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba u gurmadaan Qoyskaan dhibaataysan
  2. In laga taageero helitaalka Xuquuqda Aabbahood
  3. In Dawladda Soomaaliyeed ay qoyskaas gacan deg-deg ah ka siiso helitaan Xaqaas
  4. In Ciimada AMISOM bixiyaan Xaqa Marxuumkaas ay dileen
  5. In Ciimada AMISOM ilaaliyaan oo aysan ku xad-gudbin Xaquuqda dadka Soomaaliyeed
  6. In AMISOM tix-geliso sharuucda waddanka iyo waddooyinka
  7. In AMISOM wixii dhiba oo ay geysato ay marwalba si deg-deg ah magdhaw uga bixiso

Xarunta APHAD
E-mail:
info@aphad.org /aphad@live.com
Website:
www.aphad.org

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *