QOYS SOOMAALIYEED OO ABBAHOOD AMISOM DISHAY XAQOODIINA KA LA’ OO KU DHIBAATAYSAN MUQDISHU

maydkii oo dul dhooban yahayMeeshu waa magaalada Muqdisho, Waddada Makka Al-mukarama, meel ku dhaw Hotel Ambassador, Xilligu waxa uu ahaa 9:00 am, 28-kii January 2014-ka, markii laba Gaari oo ay wateen ciidamada Nabad-ilaalinta Soomaaliya ee loo yaqaan AMISOM ay si arxan-darro ah ku jiireen nin magaciisa la odhan jirey Saalax Nuur Maxammed oo dhanka koofur u goynayey Laamiga hormara Hotelka Ambassador, ee u dhaw Trepiano. Waxa uu  iska fiirinayey Saalax markii uu waddada gudbayey dhanka bidixdaa oo Gawaarida  ka soo socoto.  Hase yeeshee, isla xilligaa waxa ay ka yimaadeen dhanka Midigtaa iyaga oo xawli ku socda, isla markaana marayey Waddo khaldan.  Marxuun Saalax  isaga oo aan iska eegin dhanka Midig, maaddaama uusan Gawaari ka filayn ayuu soo galay waddadii.

 

Nasiib darro, labo Gaari oo Gaashaaman ayaa si kedis ah oo deg-deg ah ugu yimid,  waxaa ku dhacay kii hore, iyadoo ay jug culus gaartey oo uu doonayey in uu ka kaco ayaa waxaa ku yimid kii dambe  – oo markii hore arkayey in uu jiirey kii hore – ayaa isna isa sii raacsiiyey oo Madaxa ka maray. Saalax Madaxiisii ayaa qarxay, Maskaxdiisiina meesha ayey ku daadatay, isla markiina nafta ayaa ka baxday.

 

Dadkii goobtaas joogay ee dhacdadaa arkayey oo aad uga xumaaday Khaladkaas iyo dhacdadaa foosha xun ee ciidamada Amisom geysteen ayaa qaylo afka furtay. Laakiin waxba kama aanay qaban Karin oo Gawaarida maba istaagin oo way iska tageen.
(Halkaan ka eeg QORAAL laga qoray Dhacdadii maalintaa iyo sida AMISOM aysan u ixtiraamin Sharciyada waddooyinka http://somalitalk.com/2014/01/30/amisom-ma-ka-weyn-tahay-sharciga-wadooyinka/)

 

mudaharaad shacabkaGawaaridii waxa ay iska sii wateen socodkoodii, iyagoo kor ka soo eegaya ninkii ay jireen, waxayna u muuqdeen dad aan wax dhib ah geysan, dhimashada ninkaasna waxba ugu toornayn. Shacabkii Soomaaliyeed ee aaggaas joogey ayaa markii ay Arkeen Dulmigaas cad, waxay bilaabeen in ay Muddaaharaadaan, iyagoo diiday in Maydka ninkaas Soomaaliga ah aan la qaadin ilaa laga soo qabto Dambiileyaashii Marxuumkaan aan waxba galabsan  dilay.

 

 Waxaa ku soo baxay Ciidanka Police ka iyo kuwa Taraafikada, waxayna bilaabeen in ay dadkii isugu soo baxay Muddaaharaadka Xabbad ku kala cayriyaan, waxayna ku rideen Xabbado badan, taasoo kalliftay in meeshii lagu kala cararo, hase yeeshee waxaa jirey dad sii joogey goobta oo aan Xabbadahaas ka cararin oo ay ka mid ahaayeen carruurtiisii, Xaaskiisii oo ku dul Barooranayey iyo saaxiibadiisii iyo dad kale oo arrintaas aad uga damqaday.

 

Markii ay Muddaaharaadeyaashii kala dareeri waayeen ayaa waxay Aakhirkii keentay in la raadsho Gawaaridii dilka geysatey, waxaana la soo helay labadii Gaari. Waxaa la qorey Dacwaddii iyo dhacdadii.  Si ay u oggolaadaan in Maydka Jidka laga qaado lana Duugo, waxaa shacabkii lagu qanciyey in arrintaas ay Police ka wax ka qabanayaan, Askartii Gawaaridaas waddayna Maxkamad la soo taagayo, lana marsiinayo Sharciga, iyada oo sidoo kale ciddii lagu qanciyey in la siinayo Magtii Aabbahood, waxaana la ballan qaadey in si deg-deg ah lagu bixinayo Magta Marxuum Saalax, waxaa isla goobtaas dammaanad-qaaday in ay Magtaas AMISOM ka soo qaadayaan Police ka oo iyagu dacwaddaas qorayey, waxayna taasi rajo-gelisay Qoyskii iyo Shacabkii Soomaaliyeed ee dhacdadaas foosha xun ku soo baxay.

 

Policekii oo Goobta yimidMaalintaas ka-dib, wax war lagama helin AMISOM iyo Dawladda Soomaaliyeed toona, waxaana ehelada Marxuumka la ballamiyaa maalin walba, iyadoo Police kii dammaanad-qaaday Xaqii Marxuum Saalax ay ku lee yihiin Odayaasha iyo Qoyska “Beri soo laabta, saadambe soo laabta” waxayna hadda soo istaageen QUUS, ka-dib markii ay arkeen sida loo luggoynayo, kana war-heleen dad ay horey AMISOM qasaaro ugu geysatey oo aysan siinin wax xaq ah. Welina qoysku ma helin Qareen Mutadawac ah oo xuquuqdooda raadiya, mana haystaan waxay ku kireystaan Qareen.

 

Xarunta Calikaar ee Nabadda, Xuquuqul Insaanka iyoTala-wadaagga ee loo yaqaan (APHAD) ayaa waxay isku dayday in ay xaaladda reerkaas u dhabba-gasho, waxayna booqosho ku tageen Gurigii reerku uu ka dagganaa Magaalada Muqdishu, gaar ahaan xaafadda Maajo ee Dagmada Waaberi. Waxaan la kulannay Xaaskii Marxuum Saalax, Marwo Xakiimo Xuseen Aadan oo aad u murugeysanayd iyo carruurtii ay u dhashay oo 9 ahaa (3 wiil iyo 6 gabdhood) oo iyaguna ka muuqatey diif, murugo iyo ka-wal-walka xaqii Aabbahood iyo Mustaqbalkooda. Waxaa kaloo guriga joogey 6 carruur ah oo kale oo agoon ah oo Saalax walaalkiis dhalay oo noloshooda iyo wax-barashadooda uu isagu gacanta ku hayey. Marwo Xakiimo waxay inoo sheegtey in Saalax ahaa nin ay aad u jeclayd waqti ka badan 25 sano ay isla soo qaateen, waxay ahaayeen Qoys ka soo jeeda Qabiilka Beesha Jareer, waxay sidoo kale inoo sheegtey in ay ku noolaayeen waxa uu soo shaqeeyo Saalax oo ahaa Taxi-le biilka iyo nolosha qoyska ka soo saari jirey Taxi kiro ah. Saalax Qoyska noloshiisa kaliya kuma dadaali jirine, wuxuu kaloo soo-saari jirey oo aad ugu dadaali jirey carruurta Wax-barashadooda, waxayna reerku ku noolayeen nolol ay aad ugu faraxsanaayeen xilligaas.

 

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMarwo Xakiimo ayaa inooga warrantay Dhacdadaas, waxay tiri iyadoo sheekeynaysa “Saygayga Saalax, waxaan subaxaas ku ballansanayn in aan aadno Xamar Weyne oo aan soo booqanno qaar ka mid ehelada yada iyo in aan ka soo adeeganno Suuqa Xamar Weyne, wuxuu isoo wacay daqiiqado ka hor inta uusan dhiman isagoo I yiri diyaar-garow waan kuu imaanayaaye, hase yeeshee markaan isku diyaariyey in aan baxo, ayaa waxaa ii yimid wiil ordaya oo dhahaya Saalax waa dhintay isla markiiba meeshii ayaan ku dhacay waana miyir daboolmay waxaana la ii qaadey meeshuu ku dhintay, waxaan arkay isagoo Mayd ah oo ay si xun Gawaarida AMISOM Madaxa uga mareen, oo Maskaxdisii Laamiga dhexdiisa daadsanayd. Meeshii ayaa iska ag fariistey, waana la hadlayey anoo u qabey in uu ila hadli karo, hase yeeshee dadkii ayaa laamigii iga qaaday oo I geeyey meel hoos ah aniga iyo qaar ka mid ah carruurteydii. Waxaana meeshaas isugu soo baxay Soomaali badan oo muddaaharaadaysay, oo diiddanayd in Maydka Saalax la qaado ilaa la keeno dhagar-qabaye yaashii Marxuumkaas dilay, laakiin Police ayaa yimid oo dadkii xabbado ku furey si ay u kala cayriyaan. Aniga iyo carruurtaydii iyo qaar kaloo ka mid ahaa Shacabkii Muddaaharaadayey maysan cararin, waxaana ku adkaysannay in la keeno dadkii Marxuumkaan dilay. Waxaa markii dambe naloo sheegey in la soo qabtey dhagar-qabeyaashii, xaqii Saalaxna la bixinayo, markaas ayaan oggolaanay in Maydka la qaado lana soo aaso. Runtii waxay ii ahayd Qiyaame igu soo dumay maalintaas ilaa iyo haddana maskaxdaydu caadi ma ahan, waana isla had-hadlaa, waxaa igu badan Walaaca, qarowga, riyo naxdin leh iyo xasuus xanuun badan leh”.

 

 OLYMPUS DIGITAL CAMERAXakiimo, ka soo sokow ninkii adduunka ay ugu jeclayd ee ay wayday, waxay aad uga wal-walsanayd helitaanka Xuquuqdooda, Nolosha qoyskeeda agoonta ah, Wax-barashadooda iyo Mustaqbalkooda. Si ay nolosha asaasiga ah ee qoyska u dabbarto, waxay bilowday in ay soo amaahato Makiinadda dharka lagu tolo oo ay gurigeeda keensato si ay xaafadaha dariska ah ay dharka ugu tosho, iyadoo qaadatey dhawr beri oo tababar ah – welina ay tababarkii ku jirto – waxaana ku  arkay xoogaa dhar ah oo loo keensaday in ay Tosho. Waxay inoo sheegtey in aysan weli helin Macaamiil ku filan, Makiinadduna ay tahay mid la soo isticmaalay. Waxay kaloo ka fekaraysay in ay hesho wax uun shaqo ah oo reerka ay ku sii dabbarto, laakiin maysan helin dad ka caawiya nolosha iyo shaqo-heliddaba. Marka ay sheekeynaysaba waxaa ku soo joogsanaysay ilmo, taasoo marna ay ku soo dhacaysey ninkeedii Musiibada ku dhacday, marna ay xasuusanaysay sida ay xaqqii ninkeedii dhintay mugdiga u galay, marna mustaqbalka iyo la hardanka nolosha cusub ay milicsanaysay.

 

OLYMPUS DIGITAL CAMERA Warda Saalax waa Gabar uu dhalay Saalax oo 19 sano jir ah oo dhigata Iskuulka AL-IMRA, Fasalka Saddexaad ee Dugsiga sare, waxay iiga sheekeysay qisada aabbeheed iyadoo ilmaynaysa, waxayna haaraamaysay AMISOM, iyadoo lahayd “Aabbaheyna waa dileen, xuquuqdiisina  meelaan uga raadsano ma naqaan, mana jiro qof awood leh ama la ix-tiraamo oo xaqa yagii inooga raadiya AMISOM, waxaanu nahay Masaakiin aan cid taakulaysa haysan”.

Iyadoo ka hadlaysa mustaqbalkeeda, waxay tiri “ma aqaan sidii aan ku dhammaysan lahaa Dugsiga sare inta yar ee iiga dhimman, oo ma haysto qof iskuulka iga bixiya. Rajadii Waxbarasho iyo tan Mustaqbaleed ee aan qabay waa soo yaraatey, haddii aan Dugsiga sare dhammeeysto ayaan buro sidaa. Aabbahey ilaa Jaamacad ayuu ii ballanqaaday, wuxuuna mar walba la hadli jirey dad arrintaas kala shaqeeya oo Turkiga iyo meelo kale ayuu Deeq barasho iiga sii baadi goobi jirey. Hadda taas  ma leh, waxayna noqonaysaa sidii aan hadda uga fakari lahaa nolosha asaasiga ah ee cidda iyo carruurta iga yar yar iyo taakulaynta hooyaday”.

 

iyadoo marna ooyaysa marna habaareysay ciidamada AMISOM ayey hadalka sii wadatay waxayna ugu dambeyntii u cabanaysay Ilaahay iyadoo leh “Allow cid aan adiga ahayn ma haysanno, siduu xaalkayagu yahayna waad aragtaa, nacaawi oo xaqa yagii nooga keen dadka na dulmiyey”.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

 

 

Maxamed Xuseen, waa wiil uu adeer yahay u yahay  Saalax, waana 20 jir agoon ah,oo uu soo koriyey, oo dugsiga sare fasalka ugu dambeeya dhigta ayaa isna aad uga naxsanaa dhibaatada soo gaartey adeerkiis, wuxuuna go’aansaday sannadkaan in uu joojin doono wax-barashada, uuna doonayo in uu reerka adeerkiis ka dhintay iyo naftiisaba saacido isaga oo raadsanaya shaqo, wuxuuna ka walwalsan yahay shaqo-helitaanka, wuxuuna yiri “shaqo si deg-deg ah laguma heli karo, shaqada Muqdishu taallana waxay ku xiran tahay bar-garasho iyo qabiil, labadaasna midna ma haysto, oo dadkayagu dhaqaale ma leh”.

 

 

 

 

OLYMPUS DIGITAL CAMERAWaxaa sidoo kale inoo warramay Haaruun Saalax oo 17sano jir ah, dhigtana fasalka 8aad, oo isna dareemey dhibaatada ay agoonnimadu leedahay, wuxuu yiri “ Waxaan maqli jirey hebel waa agoon, mana fahansanyd waxa ka maqan dadk agoonta ah, laakiin maantaan ogaaday; aabbahay markuu dhintay, waxaa ciriiri gashay noloshayadii, Wax-barashadayadii iyo Mustaqbalkayagii, waxaana maanta ka fakaraynaa waxaan cunno, waxaana taas nabadday AMISOM, oo aabbahay oo noolashayadii ahaa na dhaafisey, xaqiisiina naduudsiinaysa. Waxaa na dishay maalin kasta soo laabta, annaga oo taas ku wareersanayn ayaan waxaan helnay macluumaadyo dad hore oo Gawaaridoodu mareen oo qaarna dhinteen, qaarna naafo yihiin oo ilaa iyo imminka waxba aan loo qaban, markaas ayaan candhuufteennii dib u liqnay, soo laabtana waa daalis iyo inta niyad jabaan ha iska samreen sida dadkii hore. Maanta Aabbana ma haysanno, xaquuqdayadiina maanaan helin, qaraabo hanti lehna ma lihin, cid kale oo na caawinaysana ma haysanno –xitaa qareen waa waynay nacaawiya- meel aan nolosha ka bilawnana garan mayno”.

 

Wuxuu is waydiinayey su’aalahan “Ma miyuusan AMISOM sharcigu qaban karin? Maxaa ku dhacay dawladda? Mise Qabiilka aan ka soo jeedno ayaan macne la lahayn? Ma naqaan waxaan samaynno!”

 

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

 

Siraad Saalax oo 15 jir ah ayaa iyadu baddashay Gabar reerka caawin jirtey, shaqaale ahaanna u joogi jirtey guriga maaddaama aanan waxba loo heli Karin hadda. Waxay Siraad tiri “anigu Wax-barashadii iyo ardaynimadii waan joojiyey waxaan hadda bilaabay in aan guriga ka shaqeeyo, maadaama gabadhii guriga ka shaqeynaysay la direy. Waxaa maanta sidaan inoo galay waa AMISOM, indhahay naga rideen, mustaqbalka nagiina way baabi’yeen, ilaahay ha inoo Naxariisto, annaga in ay sidaas noo galaan ayey waddanka u yimaadeen” ayey ku catawday iyadoo madax-lulid, oohin iyo faruuryo-qaniinsi isku dareysay.

 

 

 

OLYMPUS DIGITAL CAMERAWaxaan sidoo kale la kulannay Odayaasha Dhaqanka beesha Saalax, waxay inoo sheegeen in ay SAMIR ka taagan yihiin helitaanka Xaqa Saalax, waxay lahaayeen “Dawladda ayaa nagu tiri annaga ayaa Xaqii ka keenayna AMISOM oo mar hore naga ballan-qaadday, waxayna maalin walba lee yihiin berri soo laabta waa la helayaa xaqiiye, waxayna hadda ku dhaw dahay labo BIL, wax natiijo ahna kama haynno, waxaana hadda ka taagannahay QUUS, wax naga caawiya sidii Xaqa loo heli lahaana ma haysanno, Dawladdii Soomaaliyeedna waxba waa inoo qaban wayday, mana naqaan meel lagala xiriiro AMISOM. Waxaan u malaynaynaa in haddii aan ahaan lahayn Qabiilaadka xoogga badan, in warka yaga la dhageysan lahaa, laakiin Qabiilkaan nahay ayaan u malaynaynaa in aan wax ku waynay”, waxay intaas sii raaciyeen “Hadda waxaan isku dayeynaa in aan ciddii wax heli karta aan reerka wax u waydiino xaqaasna ka samirno”.

 

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

 

Carruurta oo gaareysa 15 qof, oo uu Saalax dhalay 9 ka mid ah, 6-da kalana ay ahaayeen agoon uu adeerro u yahay ayaa maalintaas waxaa ka wada muuqatay tiiraanyo, murugo, calaal-xumo, Diif iyo Niyad-jab ay ka qabeen mustaqbalkooda iyo xaqii aabbahood, intaan wareysanaynayna waa wada ooyayeen, iyagoo qaarkood oohin darteed ay inoo suuroobi wayday in aanu wareysanno, iyagoo codsanayey waxa aan u qaban karno markaas.

 

 

 

Marxuumka madaxiisii uu gaarigu jiirey

Reerka Saalax ka tagey oo ah reer xaas ah oo ballaaran oo u muuqday reer tabaalaysan, oo musiibada adduunyadu taabatay, lana daris noqday murugo iyo niyad-jab soo wajahday, ayaa waxay haatan u baahan yihiin taageero gudaha ah iyo mid caalami ah oo ku taban taabiya helitaanka xaqoodii. Waxay u baahan yihiin Qareenno gudaha ah iyo kuwo caalami ah oo u qareema una dooda Xuquuqdooda.

 

 

 

 

 

Xarunta Calikaar Ee Nabadda, Xuquuqul Inkaaska iyo Tala-wadaagga (APHAD), waxay soo jeedinaysaa:

  1. Inshacabka Somaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba u gurmadaan Qoyskaan dhibaataysan
  2. In laga taageero helitaalka Xuquuqda Aabbahood
  3. In Dawladda Soomaaliyeed ay qoyskaas gacan deg-deg ah ka siiso helitaan Xaqaas
  4. In Ciimada AMISOM bixiyaan Xaqa Marxuumkaas ay dileen
  5. In Ciimada AMISOM ilaaliyaan oo aysan ku xad-gudbin Xaquuqda dadka Soomaaliyeed
  6. In AMISOM tix-geliso sharuucda waddanka iyo waddooyinka
  7. In AMISOM wixii dhiba oo ay geysato ay marwalba si deg-deg ah magdhaw uga bixiso

Xarunta APHAD
E-mail:
info@aphad.org /aphad@live.com
Website:
www.aphad.org

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

8-dda March, Maalinta haweenka iyo Halgankii dheeraa ee la soomaray!

New Zealand waxay ahayd qarankii ugu horreeyey ee laydhka cagaaran u siiyey haweenka in ay dhiibtaan codkooda 1893-kii.

Intii lagu jirey horraantii qarnigii 20-aad (labaatanaad) haweenka Britain, Canada, Finland, Germany iyo Sweden, ayaa waxay bilaabeen dhaq-dhaqaaq xooggan si ay u helaan xuquuq ay codkooda ku dhiibtaan.

march-8th-greetings
Bani-aadamka waxaa ladhalaa isagoo xor ah lakiin wuxuu ku koraa hadhka caqabado farabadan. Qaar ka mid ah caqabadahaas waxaa soo hindisa bulshada lafteeda iyagoo daah saara xornimada iyo xuquuqda asaasigaa ee ay dadka kale leeyihiin. Ummadaha ku kala nool daafaha caalamka waxay u soo halgamayeen xuquuqdooda ilaa iyo muddo dheer. Dhab ahaan dadku waxay u dagaalamayeen tobannaankii sano ee ugu danbeeyey (the last decades) sidii ay u heli lahaayeen talo-wadaag (Democracy) taasoo siisa xuquuq ay ku woodeeyaan kuna dhistaan dowlad.

Cod-bixinta dooroshooyinka hadda waxay noqotay mid iska caadi ah, laakiin xuquuq ay dadkoo idil si siman codkooda ugu dhiibtaan wali dadku ma aysan gaarin gaar ahaan haweenka. Halganka ay ugu jireen haweenku xaqa cod-bixinta doorashooyinka ayaa waxaa hor istaagay caqabado farabadan xilliyadii lasoo dhaafay iyadoo caqabadahaasi ay wali jiraan. Haweenka dunida qaarbaaban wali helin xaq ay codkooda ku dhiibtaan.

Waayo dhaweyd waxay saxaafaddu soo tabinaysay in aan loo ogalaan haweenka aftida loo qaadayey dowladda hoose ee Riyad, tasoo sabab looga dhigay in aysan haweenku lahayn ama aan loo dhisin xarumo u gooni ah iyo waliba iyadoo aysan jirin Saraakiil haween ah oo tababaran kuwaasoo cod-bixinta nidaamiya ama habsami-u-socodka woodeynta kabixi kara.

Inkastoo haweenka caalamka kunnool ay kayihiin boqolkiiba konton (50 pre cent) dadweynaha dunida haddana in ka yar boqolkiiba shan iyo toban (15 per cent) ayaa xildhibaanno ka ah baarlamaanada quruumaha adduunka. Dumarku waxay haystaan wali waddo ay ugu mitidaan sidii ay ku hanan lahaayeen xuquuq siyaasadeed oo dhammaystiran.

Dadka u ola-oleeya xuquuqda haweenka ay u leeyihiin in ay footeeyaan (woodeeyaan) ayaa waxay aaminsan-yihiin dumarka oo loo ogolaado in ay codeeyaan inay wax kabadali doonto habka caddalad-darro oo faafa (prevailing unjust system), waxay kaloo rumaysan-yihiin: haddii ay haweenku helaan xuquuqda ay codka ku dhiibtaan in ay haddana heli karaan xuquuqo kale. Dabayaaqadii qarnigii 18-aad (sideed iyo tobnaad) ku dhawaad 50 (konton) sano oo ay haweenku ku jireen hawl ayaa waddada u xaartay (paved the way) in ay hantiyaan xuquuq maaliyadeed. Shaqaalaynta iyo fursadaha waxbarasho ayaa haddana baahay. Furriinka iyo sharciyada carruurta ayaa laqaabeeyey, haweenkuna waxay bilaabeen in ay ku damaashaadaan xorriyad bulshadeed (Social freedom).

 

Horraantii qarnigii inasogoontiyey (qarnigii labaatanaad) ayaa haweenku waxay sameeyeen dhaq-dhaqaaq xooggan oo ku aaddan cod-bixinta doorashooyinka, gaar ahaan waxay dhaq-dhaqaas ka sameeyeen waddamada USA, Great Britain, iyo France. Dhaq-dhaqaaqa xuquuqda cod-bixinta ee haweenka ayaa wuxuu bilowday 70 (todobaatan) sano kaddib markii laqabtay shirweynihii rasmiga ahaa ee haweenka (Formal women’s convention) July 1884-kii lagu qabtay Senece falls, New York, waqtigaasoo laga gudbay haajinta qodobkii 19-aad ee Axdiga u yiilay Maraykanka.

 

Laba haween ah oo lakala yiraahdo Lucretia Mott iyo Elizabeth Cady Stanton ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaqii la isugu dubariday dhirweynahaas. Bayaankii laga soo saaray gaba-gabadii shirkaas ayaa erayadii laga qabatimay waxaa kamid ahaa [We hold these truths to be self-evident: that all men and women are created equal.] Waxaannu u qabannaa xaqiiqooyinkaan in ay marag-madoonto noqoto: in gabi-ahaanba ragga iyo dumarka loo abuuray si siman.

 

halkaan ka akhri Qeybta labaad ka Akhri: http://www.somalitalk.com/2005/mar/28mar405.html

 

Halkan Qeybta saddexaad ka Akhri: http://www.somalitalk.com/2005/apr/4apr115.html

MAXAAD KALA SOCOTAA XAALKA DADKA ALBINOGA AH EE SOOMAALIYEED

1Waxaan ku bixinay waqti dheer in aan macluumaad ka helno dadka Albinio ah ee Soomaaliyeed, waxaan soo ogaanay in ay ku nool yihiin dhammaan waddanka Soomaaliya. Waxaana laga heli karaa deegaan kasta. Number ahaan waa yar yihiin marka loo barbardhigo dadka iintaasa kale. Celcelis ahaan maanaan qiyaasin, sababta oo ah maanaan wada marin dhammaan waddanka oo dhan. Laakiin tiro ahaan aad yey u yaryihiin.

 

YAAN LA KUNALAY

Waxaan la kulanay dad gaaraya ilaa 15 Ruux oo Muqdishu kaliya ku sugan, waxayna ku nool yihiin nolol midab takoornimo ah.

 

 

WAR-BIXINTA AY INA SIIYEEN

Waxay inoo sheegeen in ay marka hore cabsi adag ay soo wajahaday waayadan dambe, ka dib markii ciidamada African ku waddanka soo galeen. Waxay noo sheegeen in ay baqdin saa’id ah ku dhalatay sababta oo ah, waxay inoo sheegeen in ay maqleen in Afican ku qaar ay qashaan dadka noocan ah oo ay aaminsan yihiin in hodan ku noqonayaan. Sidaas darteed markii ay ciidamadan soo galeen waan cabsannay guryahana kama baxno ayey yiraahdeen.  Taas annaga qudhayadu aannu dareeney ka dib markii aan dhib badna kala kulanay lakulankooda qaar ka mid ah. Waxay sheegeen in mar qaar ka mid ah ciidamada AMISOM oo ay inta arkeen ku dheheen noo imaada annaga idin caawinaynee, taas oo ku keentey in aysan bixin, waxayna u qaateen in ay qalanayaan.

Waxay kaloo in oo sheegeen in aad loo midab takooro, dadka Soomaalida ah waxay aaminsan yihiin in aanu nahay dad habaaran, qaarna waxay aaminsan yihiin in aan qabno cudurka loo yaqaan baras (Leprosy disease), waxay ka cararaan dadku in ay xitaa nasaalamaan iska daa dhex gel eh.  Waxay inoo sheegeen in aysan helin wax camal ah oo aysan shaqeyn dadkuna u oggolayn, kaliya waxay sameeyaan shaqooyin hoose sida dhul-xaqidda, gaari dhaqidda, xammaalka, baalashka iyo wixii la mid ah. Ma helaan wax barasho, sababta oo ah dadka ayaa takoora oo ma dhex geli karaan ardeyda, mana jiro iskuullo u gaar ah. Sidaas darteed waxna ma qoraan waxna ma akhriyaan. 5

Waxay kaloo sheegeen in dhib badan ka haysto qorraxda iyo dabayshu, bishumuhuna ay dil dilaacaan, oo aysan helin kareemada qorraxda, ookiyaaleyaasha qorraxda iyo koofiyadahaba. Ma jiraan wax taageero siiya gaar ah iyo xannaano gaar ah. Waxay inoo sheegeen oo kale in aysan naftooda u baqin, sababta oo ah Soomaalidu ma aaminsana in ay yihiin dad xubnahoodu barakaysan yihiin oo ma dilaan. Hadda markii ay ciidamada African ku waddanka soo galeen ayey naftooda u baqeen.

Ma helaan sidoo kale daryeel caafimaad, mana aadaan isbitaallada, sababta oo ah waa qaali oo iskama bixin karaan, mana haystaan dhaqaatiir gaar ah oo la tacaasha.

MAXAY U BAAHAN YIHIIN?

Waxay inoo sheegeen in ay u bahaan yahiin:

  1. Daryeel Caafimaad in ay helaan
  2. Wax-barasho gaar ah iyo qalabka ay wax ku baran lahaayeen
  3. In la baro xirfado gaar ah oo ay ku shaqeysan karaan
  4. In ay helaan xarumo u gaar oo si gaar ah loogu xannaaneeyo
  5. In ay helaan daawooyinka ay u baahan yihiin
  6. In ay helaan dhar ku habboon iyo ookiyaale casri ah maaddama ay ku nool yihiin cimilo kulul.
  7. In dadka la baro waxaan nahay oo loo samaeeyo wacyi gelin si aanaan naloo takoorin dadkuna laga saaro khayaaliga(MYTH) ay aaminsan yihiin.

MAXAA KORDHIYAY KUFSIGA?

Warbaahinta ku hadasha afka Soomaalida, beryahaan waxaa ku badan hadal haynta erayga KUFSIGA. Weydiintu waxay tahay kufsigu muxuu asal ahaan iyo macne ahaan ka taagan yahay, maxaase soo kordhiyey oo xad-dhaaf iyo aafo qaran ka dhigay?

Afarta maal adduunyo ee Somaalidu dhaqato, marka ariga loo kala saaro riyo iyo ido, loona qeybiyo lab iyo dhadig, laboodka “male” waa shan, haddiise lagu daro ragga, markaas laboodku waa lix. Marka loo kuurgalo sida ay u qooqaan lixdaas labood, waxaa loo kala saaraa: laba dhereg ku qooq, laba xilli ku qooq, laba qooq madhige. Ragga iyo farasku waa dhereg ku qooq, awrka iyo origigu waa xilli ku qooq, wanka iyo dibigu waa qooq madhige. Xishood iyo asluub wanaag darti Soomaalidii hore waa ka afgoobaadsatay soo hadalqaadka habka dhadigu u qooqo, waxayse u egtahay in dhadig iyo labood isla jaanqaadaan.

Habka shukaansiga iyo raalligelinta saaxiibta “partner” waxaa ugu wanaagsan oo horyaalka laboodka loo aqoonsan yahay orgiga, oo waxaa laysku waafaqsan inuu xataa ragga kaga fiican yahay naajaxinta iyo raalligelinta saaxiibti. Laboodka waxaa ugu xun oo xaasid arxamdarran loo aqoonsan yahay awrka. Orgigu ugu yaraan 72 saac ayuu saaxiibti maraaciyaa oo meel walba ka salaaxaa, ugu dambeystana saaxiibti oo naajax ah oo sida malabka u macaansanee ayuu orgeeyaa. Taas beddelkeeda, awrku isaga oo aan xataa salaamin saaxiibti ayuu qoorta uga fariistaa, kadibna iyadoo cabaadeysa oo aan abasax ahayn ayuu abbaahiyaa, markaas baa la yiraah awrku hasha waa kufsaday. Habdhaqanka awrka sida ka muuqata, macne ahaan kufsigu wuxuu ka taagan yahay dhadig aan raalli ahayn oo aan guux iyo gariir iyo dareen jinsi midna lahayn oo si xoog ah loo isticmaalay. Awrka qooqan arxam la’aantiisa iyo sida uu saaxiibti u jujuubay uguna jowrfalay ayaa laga soo minguuriyey erayga kufsiga.

Xeeldheerayaasha ku taqasusay xiriirka jinsi ee ka dhexeeya laboodka iyo dhadiga waxay qirsan yihiin macaamil wanaagga orgiga iyo jujuubka awrka in farqi weyn u dhaxeeyo. Sidoo kale waxay qeexeen dhadiga inay ugu wanaagsan tahay tixsiga oo saaxiibkeed oo saaran ayey hawada sare u duushaa oo leyr qaboow iyo saxansaxo udgoon ugu raaxeysaa. Malaha raaxadaas oo kale waxaa heli kara cirbixiyeenka dayaxa dushiisa ku dega, waase hadday ka kooban yihiin lab iyo dhadig is ogol. Xeeldheereyaashu waxay kaloo xaqiijiyeen dhadiga inay ugu xun tahay dameerta oo saaxiibkeed daamanka jebisa, oo horaa loo yiri dameeruhu waxay u daaman beelayaan waa dir hakaa haro.

KUFSIGA IYO WAAYIHII MIYIGA:

Waayihii miyiga kufsigu aad buu u yaraa oo dhif iyo naadir buu ahaa, maxaa yeelay haweeneyda la kufsado waxay sababi jirtay dagaal lagu hoobto oo dhiig badani ku daato. Beesha haweenkooda la kufsado, gaar ahaan gambooleyda la qabo oo ah oori nin u dhaxday, haddaysan ka dhiidhin dhegxumada, gabdhahooda lama guursan jirin oo waa la yasi jirey. Ha-yeeshee gabadh beylaha laga helay oo meel cidlo’ ah ari la joogta ayaa marmar habaarqabe shaydaan duufsaday kufsan jirey. Gabadh la kufsaday reer miyigu xeer bey ka lahaayeen oo ganaaxa waxaa la saari jirey hadba qofkii gardaradu ku cadaato, sida qaalibka ah ninka ayaa gardarada la saari jirey, walow marmar gabadha gardarada la saari jirey. Meselan gabadha oo ku socota jidka weyn “toobiyaha toosan ee haloosiga ah” haddii la kufsado, ninka kufsaday ayaa la ganaaxi jirey, ha-yeeshee hadday jidka weyn ka leexato oo luuqa lagu kufsado ama quruxdeeda soo bandhigto oo ay gaado siman iyo naas gigtiran iyo indha cawlan oo eegmo caashaq leh ragga ku eegto, markaas gabadha ayaa gardarada la saari jirey oo waxaa lagu oran jirey adigaa si dadban ninka ugu baaqay oo macmacaanka rabay, wixii dhib soo gaareyna waxaa laga soo qaadi jirey kab-shaydaan ka faniintay iyo warankaagu ku doox. Gabadh golyee oo galmo xiiseyn darteed hadba gees dhuganee ayaa rag gidaar fadhiya ku tiri foox baa la ii soo diray dukaamadiina waa la xiray ee xagee ka doonaa, si ay u hesho wiil duceysan oo fooxa la doondoona. Nin fahmey danta iyo ulajeedada gabadha ayaa yiri “foox doon haddaad tahay dukaan furan ma weyseene, maxaa faras magaalaha ku dhigay fiidki laga seexday”. Ninka gabadh kufsaday in la ganaaxo Soomaalidu waa ka siman tahay balse heerka ganaaxa gobolladu waa kala beddelan yihiin, waxaase loo badan yahay in ninka wax kufsaday lagu xukumo inuu gabadha guursado iyo 22 ceesaamood oo ka taagan meherkii uu ferjigeeda ku banneystay.

Waxaa kaloo jiri-jirtey kufsi ciilbax ama aarsi. Laba beelood markey dagaallamaan, qolada laga guuleysto ee goobta laga yeesho, ariga mooyee ishkinta iyo fardaha waa laga dhici jirey, haweenkoodana gabadh iyo gambooleyda waa la kufsan jirey, kufsigaasi wuxuu ka dhignaa bahdil loogu quusdhabay qoladii laga adkaaday. Waa dhaqan guud oo aadamigu ka siman yahay, xasuuuso markii Ameerikaanku qabsaday Ciraaq wixii ka dhacay Xabsiga Abu-Qureyb. Haweenku waa nimco Alle ku manneystay ragga, raggii laga itaal-roonaaday in hantida laga dhaco waa caadi aadamigu isla ogol yahay.

KUFSIGA REER  MAGAALKA:

1940-yadii goortii degis magaalo la billaabay, waxaa soo kordhay kufsi iyo fisqi, waxaana soo ifbaxay kufsi ku cusub Soomaalidii miyiga kasoo guurtay, kufsi magaalo waxaa ka mid ah:

  1. Askartii loo xilsaaray ilaalinta amniga awooddii dowladnimo iyo hubkii gacantooda galay si xun bey u isticmaaleen oo haween badan bey kufsadeen. Guuldarradii dagaalkii 77 mid ka mid ah waxaa loo aaneeyaa ciidammadii Soomaalidu waxay si safmar ah u kufsadeen haweenkii ku noolaa deegaannadii ay xoreeyeen, gaar ahaan dad culumo ah oo haweenkoodii la kufsaday ayaa habaaray oo inkaartaasi waa asiibtay ciidammada Soomaalida, inkaartaas wixii ka dambeeyeyna ciidan Soomaaliyeed oo tayo iyo anshax leh waa la waayey. 1960-yadii Daraawiishtii Boliiska ilaa Koofiyad Castii Siyaad Barre sidii waxashnimada ahayd ee ciidanka dowladu haweenka u kufsaday waa ka baaxadweyn tahay wax qoraal lagu soo koobi karo, waa dembi culus oo laga galay xuquuqul iinsaanka, una baahan baaris qotadheer iyo maxkamad caadil ah.
  2. Kufsi silloon oo la yiraah “dabagur” oo sida la sheegay asalkii hore kasoo ifbaxay deegaanka Woqooyi-Bari kadibna ku faafay gobollada dhexe. Qofka sida caadiga ah u fekera in la fahamsiiyo “dabagur” way adag tahay sababtoo ah mar raalli buu ku dhacaa, marna tuuganimo buu ku dhacaa. Meselan haweeney meel daleel ah seexatay oo xaaladeedu tahay “beerka jecli – lega jecli” oo macmacaanka rabta isla markaana xishooneysa ayaa ku andacootay xalay anigoo hurda ayaa layga adeegtay oo lay “dabaguray” marna haweeney daalan oo hurdo la suuxsan “deep sleep” ayaa la dabaguraa, taasina waa kufsi silloon. Walow Macallin Shaydaan dalka wada gaarsiiyey, waayihii Soomaalidu Muslimka toosan ahayd ee xishoodku dambeeyey, kufsiga silloon ee loo yaqaan dabagur waxaa laga sheegi jirey Beledweyne ilaa Bosaaso, gobollada kalena kuma badneyn.
  3. Waxaa kaloo jiri jirtey kufsi ku siman Xamar kaliya. Gabdhihii loo yiqiin “dabagaab ama makaaryoos” ee laamiga istaagi jirey “pickup girls” ama caanka ku ahaa qoob-ka-ciyaarka caweysyada. Gabadh kasta waxay lahayd “gaashaan” macne ahaan gaashaan waa wiil dilaa ah oo gabadha jirkeeda ka ganacsataa ay magaciisa goobaha caweyska ku joogto oo shartiisa laga cabsado. Gabadhii gaashaan la’aan suuqa meereysata, koox dhallinyaro ah ayaa kufsan jirtay oo saf u geli jirtay.
  4. Murti baa leh “wadaad iyo ooridiisa – dameer iyo ninka wada” meesha loogu xaqsoorayo Allow hayna joojin. Waa erayo culus oo ka baaraandeg u baahan. Waayihii hore waxaa dalka ka jirey wadaad isku sheeg haweenka ku indhasarcaadiya “cajir caalim salaaxay cadaabi ma taabato iyo qudba-siro oo ah guur qarsoodi ah”. Waxaa beddelay koox timir iyo dhaqaale kale ka hesha Carabta, waxay dalka ku baahiyeen guur bille “short term” la yiraah dar-Alle iyo derin oo marka gabadha johorada bigrada laga jeexo, laguna raaxaysto muddo bil ah layska furo oo lagu yiraah “naftaa ku diiday” ee macasalaamo. Somaali tiro badan “rag iyo dumar” ayaa guurka noocaan ah u aqoonsan kufsi si dadban haweenka loogu bahdilay, ha-yeeshee anigu kama garsoori karo, sababtoo ah adduunka kama jiro dhaqan laysku waafaqsan yahay oo wanaag iyo xumaan, qurux iyo fool xumo waa hadba sida bulshadu u taqaan.

WAXYAABAHA KUFSIGA SOO KORDHIYEY:

Kufsiga bahalnimo ee sannadahaan gees-ka-gees geyiga ku baahay, wax la barbardhigo iyo si loo macneeyo lama yaqaan. Qowmiyadda Soomaalida haweenku waa ka badan yihiin ragga oo sida Carabta baahi haween Soomaaliya kama jirto. Guur iyo gaabsi qofba dooqiisa si sahlan buu ku heli karaa. Kufsiga cusub waxaa ku jira mugdi iyo macne shirqool xambaarsan oo si fudud aan loo fahmi karin. Wuxuu noqday camal-shaydaan laysugu faano iyo dhaqan xumo dalka lagu faafiyo. Guud ahaan maamullada dalka ka jira, dhaleeceyn iyo kufsigu waa aafo qaran ayey dhaafi-waayeen, ayaandarro marnaba ma asiibin meesha sartu ku quruntay iyo ciriqa aafada. Wabi qarka jebiyey oo fatahay biyihii dhulka maasheeyey haddii la dhuro iyadoo aan marka hore qarkii jabay la dhisin, taasi waa xoog doofaar lagu eryey iyo cudurka geela ku dhaca oo gammaanka laga daweeyey. Waxyaabaha kufsiga soo kordhiyey iyo kooxaha faafiya waa in la aqoonsado kadibna ciriqa aafada la ciribtiraa. Kaabeyaasha kufsiga iyo kooxaha hirgeliya baaris kooban oo aan ku sameeyey, natiijadii waxay noqotay sidatan:

  1. (Sababta 1aad): Daroogada dalka ku baahday “qaadka – calaqa- qamriga — xashiishka iwm”. Nin qaad raamsaday oo calaq cabay kadibna xashiish dhuuqay wuxuu la mid yahay waraabe waalan waana khasab inuu wax kufsado.
  2. (Sababta 2aad): Aflaamta anshax-xumada jinsiga “pornographic sex films” siiba telefanada muuqaalka leh “mobile with camera” ee inta badan dhallinyaradu haystaan. Baydhabo ayaa Shabaab ka joojiyey aflaamta jinsiga, kadibna shanaamadii waxaa lagu beddelay  moobayl muuqaal weyn leh oo laga soo waariday Shiinaha oo si fudud aflaamta looga daawado, dabadeed dhallinyaradii waxay yiraahdeen “hooba Shabaab diiday, Shiineysaa sheenay shanaamo yaris”.
  3. (Sababta 3aad): NGOley (Ajnebi & Soomaali) dalka ku faafiya noocyada kala duwan ee fisqiga “rape – AIDS – homosexual – lesbian etc”. 2010 Gaal Jarmal ah oo NGOleyda ka mid ah ayaa Hargeysa rag iyo dumar sida xoolaha isu fuushan filim anshax-xumo ah ka duubay. Waxay ahayd fadeexad magac-xumo u soo jeeday qowmiyadda Soomaalida. Sidoo kale Mombasa Keenya, Gaal NGOley ah ayaa eey sidii nin loo tababaray kala yimid Yurub kadib eeygii 12 gabdhood ayuu fuulay oo u galmooday, intii anshax-xumada jinsigu socotay filim ayuu ka duubay. Gaal NGOle iyo haweenkii hadda waa xiran yihiin oo baaris baa ku socota waana maxaabiis maxkamad sugeyaal ah. Fisqiga NGOleydu hadduu Soomaaliya ka sii socdo, mardhow waxaa arki doona dhaqan xumada reer Galbeedka ee loo yaqaan “Same sex marriage” guur dhexmara laba isku jinsi ah “laba dhadig ama laba labood”
  4. (Sababta 4aad): Ciidammada AMISOM qeyb libaax bey ka qaataan faafinta fisqiga waxayna la saf yihiin NGOley, waxay kaloo si xoog leh u faafiyaan AIDS. Gabadh gaajoon oo seddax-qad ah qado la siiyey haddii lagu qaawiyey, waa nooca kufsiga ugu xun oo ku saleysan ka faa’iideysi baahi-daran iyo saboolnimo. Hadda waxaa dalka jooga carruur ku hadaaqeysay “aabbeyaasheen magacooda AMISOM ha asteyso”. Kufsiga dadban iyo fisqiga AMISOM dalka ku baahisay hadduu sii socdo shan sano oo dambe, haweenka AIDS la qaadsiiyey iyo carruurta ay dhaleen waxay noqon qabiil ballaaran oo lagu magacaabi doono “Beesha AIDS-AMISOM” heerka AIDS-kuna wuxuu gaari doonaa 20%. Inkaar-qabeyaasha indhashareerka leh ee subax walba ku kallaha xeryahooda ee ku andacooda isbitaalka AMISOM baan u soconaa, mar ciidammada shisheeye ayey u yihiin addoon galmo “sex slave”, marna bulshada ayey AIDS ku faafiyaan. Allow Soomaali ka samatabixi siriqda gumeysiga.
  5. (Sababta 5aad): Dableyda hubeysan oo markey marqaamaan haweenka ku xooga hubka ay haystaan. Dableyda waxaa ugu daran mooryaanta u xuubsiibatay ciidan qaran oo haba yaraatee aan lahayn xishood dadnimo iyo xeer xakameeya oo ay ciqaabtiisa ka baqaan.
  6. (Sababta 6aad): Saxaafiyiin la shaqeysa NGOleyda ku andacoota inay yihiin afhayeennada “xuquuqul iinsaanka” halkii dhacdo kufsi waxay ka dhigaan 50 dhacdo, waxay buunbuuniyaan been-abuur si xishood la’aan ah loo baahiyo “sirqo 80 jir ah iyo saqiir 3 jir ah ayaa la kufsaday”
  7. (Sababta 7aad): Guuldarradii dagaalkii 77 kadib carruurtii dhalatay waxay ku garaadsadeen kuna indhafureen fowdo iyo jahawareer, dowlad la’aan iyo dad akhlaaq ahaan u burburay isla markaana “kufsi-dil-dhac” ay nolol maalmeedka ka mid yihiin. Dhallinyaradaasi waxay noqdeen dilaa-sare iyo dugaag aan waxba ka naxin, una haliilaya inay naftooda ku halligaan “tahriib-badaha-isqarxin”. Nin baa yiri abkey doolli dilow, dad nool maas u daahaa iyo Allihii ugaas diley inta kale waa u sahal. Wiil ay la fududahay inuu naftiis macne la’aan iyo si fudud u halligo “kufsi-dil-dhac” shaah la cabay kala fudud.

Waxba yaan gocashadu ila gudbine aan qoraalka soo gunaanado. Magaalo gabowday ayaa guddi Injineero ah loo xilsaaray inay kasoo talo bixiyaan “in lagu sii noolaan karo iyo in kale”. Baaris muddo dheer qaadatay kadib waxay duqii magaalada u soo gudbiyeen warbixin ka kooban seddax eray oo ah “magaalada hallaga guuro”.  Seddaxda eray een bulshada u soo gudbinaa waxay yihiin, “wixii dhiiglahow kaca” oo ka dhiidhiya dhegxumada. Soomaalida silica iyo saranseerku la degay waa inay si degdeg ah ugu tallaabsato laba ficil oo maanta muhiim ah:

  1. Haweenku waa nugul iyo ilmadow xaq u leh in sharaftooda iyo qiyamkooda la difaaco. Sidaas awgeed habaarqabihii wax kufsada waa dugaag mudan in bulshada laga qabto ee waa in si dedeg ah loo deldelo, meydkiisana aan la aasin muddo seddax ayaamood. Ciqaabta kufsiga waa in lagu dabaqo shareecada islaamka oo marnaba aan lagu xallin xeer-dhaqan odayaal dejiyeen.
  2. Mar baa haweenku yihiin horror magac-xumo iyo musiibo kale bulshada u soo hooya. Sidaas awgeed haweenka xadgudbay ee ka baxay xayndaabka anshaxa suuban iyo ku dhaqanka shareecada waa in xakame bir ah lagu giijiyo oo la tirtiro naaneysta xun ee haweenka Soomaaliyeed lagu suntay “cheap clean and hot cake”. Ninkii aan muxaramaadkiisa fisqiga ka reebin waa DAYUUS,  xadiis Nabi Muxamed scws ka sugnaaday wuxuu qeexayaa DAYUUS ma uriyo jannada udugeeda. Soomaaliyeey hadafkeennu ha ahaado joojinta kufsiga haweenka lagu kadeeday iyo xaqiijinta karaamadooda. Soomaaliyeey hadafkeennu ha ahaado in gacan bir ah lagu qabto inkaar-qabeyaasha indhashareerka leh ee aafada AIDS faafiya isla markaana sumcad xumada u soo hooyey haybadii haweenka Soomaaliyeed ee beri ahaan jirey horyaalka xishoodka iyo dhowrsoonaanta.  Wa Billaahi Towfiiq

W/Q: Abdulkadir Osman “Aroma”

CAMBAAREYN: DILKII LOO GEYSTEY WARIYE LIIBAAN

Xarunta Calikaar Ee Nabadda, Xuquuqul Insaanka iyo Dimuquraadiyadda waxay cambaareynaysaa Dilkii Waxshinamada ahaa ee loo geystay Wariyihii Soomaaliyeed ee ka hawl geli jirey TVga Kalsan.

Wariyahaan ayaa waxaa la dilay isagoo goor hamiin ah u socday Xaafaddiisa, waxayna ahayd 8dda bishan.
Wariyahaan ayaa wuxuu noqonayaa warihii 5naad ee sannadkaan lagu dilo waddanka Soomaaliya taasoo ka dhigeysa in Wariye yaashu ay helis ku jiraan.

Dadka dilkaan geystay oo aanan la garanayn heybtooda ayaa waxay ahaayeen dad naxariis daran oo doonayey in ay dadka indhaha u ah Bulshada Soomaaliyeed dilaan.

Waxay Xarunta aad uga tiiraanyeysan tahay wariyahaas la dilay waxayna uga tacsiyeynaysaa Ehaladii iyo qaraabadii uu ka tagay wariyahaas in Eebbe Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Waxay Xaruntu soo jeedinaysaa in la joojiyo tacadiyada ka dhanka ah wariye yaasha iyo dadka wax galka u ha Bulshada Soomaaliyeed.
Waxay kaloo ku talinaysaa in wariye yaasha qudhoodu marka koowaad naftooda maareeyaan oo si taxaddar badan ku jiro u shaqeeyaan.

Xarunta dhexe ee Ha’adda Nabadda, Xuquuql Insaanka iyo Dimuquraadiyadda,
E-mail: aphad@live.com iyo info@aphad.org
Website: www.aphad.org

BAAQ NABADEED OO KU WAJAHAN KISMAAYO

  Ku:  Madaxda Dawladda Fedaraalka Soomaaliya
Ku:  Mas’uuliyiinta kala Duwan ee ku sugan Kismaayo
Ku: Ciidamada AMISOM
Ku: Salaadiinta iyo Wax-garadka Soomaaliyeed ee ku sugan Kismaayo
Ku:  Culumadu diinka Soomaaliyeed ku sugan Kismaayo
Ku: Dumarka, Dhalinyarada iyo dhammaan xubnaha Bulshada Rayidkaa
Ku: Qurbajoogta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaannadaas
Ku: Saxaafiyiinta Soomaaliyeed

BAAQ: JOOJINTA IYO KA HOR-TAGIDDA DAGAALLO KA SOO CUSBOONAADA KISMAAYO

Dagaalka Kismaayo ka dhacay shalay iyo kan saansaantiisu ay muuqato waa dagaal sokeeye oo dhinac walba ku qaldan; diin ahaan, dhaqan ahaan, dhaqaale ahaan iyo xuquuqda insaankaba. Sidaas darteed, waxay Xarunta Calikaar ku baaqeysaa in dagaalka loojoojiyo lagana hortago  sida ugu dhakhsaha badan.

Waxay Xaruntu Soo jeedinaysaa in xaalladda murugsan ee Kismaayo sifiican oo Soomaalinimo ah loo galo khilaafaadkana wada xaajood lagu dhameeyo si markaas loo soo afjaro khilaafaadka.

Xaruntu waxay ugu baaqeysaa in dhinacyada isku haya Magaalada Kismaayo ay u naxaan Shacabka Mudada dheer dhibaataysnaa oo ay abaaruhu iyo colaadaha sokeeye daashadeen, ayna isku soo dhaweeyaan fikiradahooda iyagoo eegaya danka Shacabka Soomaaliyeed.

Waxay Kaloo Xaruntu u soo jeedinaysaa Ciidamada AMISOM in ay dawrkooda qaataan maleeshiyaadkana Magaalada ka saaraan ammaanka Magaaladana Sugaan.

Sidoo kale Dawladda Federaalka Soomaaliya waa in ay si taxaddar leh oo sinnaan ah u gashaa hawlaha Kismaayo iskana dhigtaa meel carada iyo xanaaqa, garataana dadka daggan deegaanku in ay yihiin dadka ugu baahi badan Dawladnimo. Waa in ay dawladdu ogaataa in ay iyadu Mas’uul ka tahay waddanka Soomaaliya, oo khilaaf shakhsiyaad kala dhexeeya  aysan shacabka Soomaaliyeed dhibaato u gelin.

Odayaasha Dhaqanka, wax-garadka, Culim-aw-diinka, Dhallinyarada, Haweenka iyo Bulshada kalaba way in ay ka qeyb-qaataan nabadda iyo hormarinta deegaanka, kana soo horjeestaan wax walba oo khalkhal gelin kara nabadda. Waa in ay iska ilaaliyaan in ay kala taageeraan Dadka isku haysta maamulka, taasoo keeni karta in ay dhibaato xoog leh ka soo gaarto shacabka.

Qurbe-joogta deegaanka ka soo jeedda waa in ay dhiirri-geliyaan nabadda deegaanka oo aysan taageero gaar ah siin dadka isku haya Magaalada maamulkeeda, oo ay taageeraan nabadda una sheegaan qab-qable yaasha isku haya deegaanka in ay joojiyaan madax-adaygnimada iyo xukun jeceylka oo ay ku baddalaan wada hadal iyo isfaham, kuna raadiyaan xukunka jid wanaagsan oo la wada aqbali karo.

Waxay kaloo xaruntu u soo jeedinaysaa Saxaafadda in ay joojiyaan colaadaha aan jirin ee ay buunbuuninayaan, dhawraanna anshaxa Saxaafadeed. Waa in ay joojiyaan qabiil u adeegidda iyo difaacidda danaha gaarka ah. Waa in aalladda warbaahineed ee ay haystaan u isticmaalaan oo kaliya danta iyo u adeegidda danaha guud ee Soomaaliyeed.

Xafiiska Xarunta Nabadda, Xuquuqul Insaanka iyo Dimuquraadiya

XARUNTA CALIKAAR WAXAY KA DIGEYSAA DAGAAL SOKEEYE OO KA DHACA MAGAALADA KISMAAYO

Xarunta Calikaar ee Nabadda, Xuquuqul insaanka iyo Dimuquraadiyadda waxay ka digeysa Dagaal sokeeye oo ka dhaca Magaalada kismayo taasoo dhib u geysan karta Shacabka Soomaaliyeed ee dhawr iyo labaatanka sano taabaalaysnaa.

Waxay Xaruntu u soo jeedinaysaa Mas’uuliyiinta siyaasadda isaga soo horjeedda Maamulka Jubbooyinka in ay khilaafkooda wada hadal ku xalliyaan si aysan u dhicin dhibaato colaadeed oo shacabka halkaas deggan ku wax yeelloobaan.

Xaruntu waxay sidoo kale u soo jeedinaysaa Mas’uuliyiinta deegaanka ku loollamaysa in la dhawro xuquuqda war-fidiyeenka, taasoo war-bixin Xaruntu ay heshey sheegayso, in hanjabaadyo iyo cagajugleyn ay kala kulmeen Wariye yaashu Siyaasidiinta Maamulka Kismaayo isku haya, taasoo mid walba uu doonayo in warkiisa kaliya la fidiyo.

Waxay sidoo kale xaruntu u soo jeedinaysaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM in ay arrinta Kismayo si taxaddar leh u furdaamiyaan una badbaadiyaan Shacabka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

22kii sano ee la soo dhaafey Magaalada Kismaayo maysan helin nasiino nabadeed, waxaana isaga dambeeyey Colaado Sokeeye oo wajiyo kala duwan lahaa, taasoo keentey in Dadkii deegaanka intiisii badnayd ay u qaxaan Xeryaha Xaqootiga ee Kenya, halka in badan oo ka mid ahayd ay ku nafwaayeen, qaar kalana ay ku naafoobeen.

Ilaalinta tacadiyada ka dhanka ah Xuquuqul Insaanka kama jirin deegaankaas  dawladdii kacaanka ka dib, taasoo keentey in dadka rayidka ah bilaa sabab loo dilo, la iskana kufsado  Gabdhaha Soomaaliyeed isla markaana  la dhaco hantiga dadka maatada ah. Waxay Xaruntu diiwaan gelisay 42 Kiis oo ka dhac ah Xuquuqul Insaanka oo ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Sidaas awgeed, Xaruntu waxay ku talinaysaa in dhinacyada isku haya isku siyaadda ay ka wada shaqeeyaan Nabadda iyo hormarinta deegaanka isla markaas ilaaliyaan Xaquuqda Insaanka si loo gaaro markaas dimuquraadiyad dhab ah iyo talo-wadaag.


Xafiiska Dhexe ee Xarunta Calikaar ee Kismaayo,
E-mail:
aphad@live.com /info@aphad.org
Website:
www.aphad.org

 

 

Shirka Soomaliya ee Lodon: Talo Soo jeedin

                     

 

 

 

 

Ku:     XAFIISKA MADAXWEYNAHA DFS
-XAFIISKA RA’IISUL WASAARAHA DFS
-XAFIISKA GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA DFS

Ujeeddo: Talo-siin

Xarunta Calikaar ee Nabadda, Xuquuqul Insaanka iyo Dimuquraadiyadda waxay mar walba garab taagan tahay dadaallada ay u samaynayaan Dawaladda Feederaalka iyo Beesha Caalamka soo Celinta Nabadda, deggannaanshaha, maamul wanaagga, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo hormarinta dhaqaalaha, bulshada iyo Xuquuqul Insaanka.

Shirkii London ee 23 Actober 2012kii wuxuu u ahaa bilow Fiican isu soo dhaweyna fikiradihii kala durugsanaa iyo in Beesha Caalamku sifiican u arkaan dhibka Soomaalida haysta, taasoo ay ugu darneyd Abaarihii ba’naa ee markaas jirey, Aragagixisada iyo weliba Burcad-badeedda, wuxuu ahaa shir Soomaali oo dhan meel walba oo ay joogtey la maqsuudday.

Shirkii 14 April ee 2013 ka dhacay Magaalada Ankara ee Waddanka Turkiga kuna dhex maray Madaxda Soomaali laan iyo Madax dawladda wuxuu runtii soo celiyey rajadii laga qabay in ay  Dawladda cusub sii dar dar geliso hawlaha isu soo dhaweynta dawaladda iyo maamulka Soomaali laan. Inkasta oo uu ahaa bilow fiican laakiin awoodda lama saarin meelaha ay muhiimka ahayd in laga wada hadlo.

Shirka 7May ee ka dhacaya Magaalada London, oo ay ka soo qeyb galayaan ilaa 50dal oo daneeya inta badan arrimaha Soomaaliya ayaa waxaan rajaynaynaa in ay natiijo wanaagsan ay ka soo baxdo.

Xarunta Calikaar, waxay soo jeedinaysaa in shirkaas laga Qayb galiyo Bulshada Rayid ka ah qeybeheeda kala duwan iyo kuwa sida gaarka ah uga shaqeeya Xuquuqul Insaanka. Waxaan soo jeedinaynaa in Shirka London lagu Daro ajandeyaasha muhiimka ah Arrimahaha Xuquuqul Insaanka.

Sida War-bixin ay aruurisay Xaruntaan sheegayso in tacadiyada Xuquuqul Insaanka ka dhanka ah ay sameeyaan inta badan Ciidamada Dawladda qeybehooda kala duwan.  Waxaana sidoo kale War-bixin ay soo saartey Hay’adda Human Rights Watch March 2013 ku caddeed in Dawladda ciidamadeedu ku lug leeyihiin tacadiyada ka dhanka ah Xuquuqul Insaanka.

Waxay kaloo Xaruntu soo jeedinaysaa in la hormariyo laamaha caddaaladda si markaas loo helo caddaalad la hor geeyo dadka sameeya falalka ka dhanka ah xuquulqul insaanka.

Waxay Xaruntu sidoo kale soo jeedinaysaa in Ciidamada ammaanka la wacyi geliyo lana siiyo casharo ku saabsan qiimiha Aadanaha iyo sida loo dhawro xuquuqdooda asaasiga ah, mushaaraadkoodana joogto loo siiyo.

Dawladdu waa in ay ka shaqeysaa Garsoorka una magacawdo dad caddaaladda iyo aqoonteedaba ku xeeldheer si markaas loo soo afjaro dhibaatada caddaalad darro oo ay ugu horreyso kala awood sarreynta iyo Hantida lakal haysto taasoo iyadana qeyb ka ah dhibaatada Soomaaliya ka taagan.

Si arrimahan kor lagu soo xusey loo gaaro, waxaa muhiim ah in ay dawladdu la tashato Shacabka iyo dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah, si ay talooyinku kor iyo hoosba ugu socdaan.