Ku: Madaxda Dawladda Fedaraalka Soomaaliya
Ku: Mas’uuliyiinta kala Duwan ee ku sugan Kismaayo
Ku: Ciidamada AMISOM
Ku: Salaadiinta iyo Wax-garadka Soomaaliyeed ee ku sugan Kismaayo
Ku: Culumadu diinka Soomaaliyeed ku sugan Kismaayo
Ku: Dumarka, Dhalinyarada iyo dhammaan xubnaha Bulshada Rayidkaa
Ku: Qurbajoogta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaannadaas
Ku: Saxaafiyiinta Soomaaliyeed
BAAQ: JOOJINTA IYO KA HOR-TAGIDDA DAGAALLO KA SOO CUSBOONAADA KISMAAYO
Dagaalka Kismaayo ka dhacay shalay iyo kan saansaantiisu ay muuqato waa dagaal sokeeye oo dhinac walba ku qaldan; diin ahaan, dhaqan ahaan, dhaqaale ahaan iyo xuquuqda insaankaba. Sidaas darteed, waxay Xarunta Calikaar ku baaqeysaa in dagaalka loojoojiyo lagana hortago sida ugu dhakhsaha badan.
Waxay Xaruntu Soo jeedinaysaa in xaalladda murugsan ee Kismaayo sifiican oo Soomaalinimo ah loo galo khilaafaadkana wada xaajood lagu dhameeyo si markaas loo soo afjaro khilaafaadka.
Xaruntu waxay ugu baaqeysaa in dhinacyada isku haya Magaalada Kismaayo ay u naxaan Shacabka Mudada dheer dhibaataysnaa oo ay abaaruhu iyo colaadaha sokeeye daashadeen, ayna isku soo dhaweeyaan fikiradahooda iyagoo eegaya danka Shacabka Soomaaliyeed.
Waxay Kaloo Xaruntu u soo jeedinaysaa Ciidamada AMISOM in ay dawrkooda qaataan maleeshiyaadkana Magaalada ka saaraan ammaanka Magaaladana Sugaan.
Sidoo kale Dawladda Federaalka Soomaaliya waa in ay si taxaddar leh oo sinnaan ah u gashaa hawlaha Kismaayo iskana dhigtaa meel carada iyo xanaaqa, garataana dadka daggan deegaanku in ay yihiin dadka ugu baahi badan Dawladnimo. Waa in ay dawladdu ogaataa in ay iyadu Mas’uul ka tahay waddanka Soomaaliya, oo khilaaf shakhsiyaad kala dhexeeya aysan shacabka Soomaaliyeed dhibaato u gelin.
Odayaasha Dhaqanka, wax-garadka, Culim-aw-diinka, Dhallinyarada, Haweenka iyo Bulshada kalaba way in ay ka qeyb-qaataan nabadda iyo hormarinta deegaanka, kana soo horjeestaan wax walba oo khalkhal gelin kara nabadda. Waa in ay iska ilaaliyaan in ay kala taageeraan Dadka isku haysta maamulka, taasoo keeni karta in ay dhibaato xoog leh ka soo gaarto shacabka.
Qurbe-joogta deegaanka ka soo jeedda waa in ay dhiirri-geliyaan nabadda deegaanka oo aysan taageero gaar ah siin dadka isku haya Magaalada maamulkeeda, oo ay taageeraan nabadda una sheegaan qab-qable yaasha isku haya deegaanka in ay joojiyaan madax-adaygnimada iyo xukun jeceylka oo ay ku baddalaan wada hadal iyo isfaham, kuna raadiyaan xukunka jid wanaagsan oo la wada aqbali karo.
Waxay kaloo xaruntu u soo jeedinaysaa Saxaafadda in ay joojiyaan colaadaha aan jirin ee ay buunbuuninayaan, dhawraanna anshaxa Saxaafadeed. Waa in ay joojiyaan qabiil u adeegidda iyo difaacidda danaha gaarka ah. Waa in aalladda warbaahineed ee ay haystaan u isticmaalaan oo kaliya danta iyo u adeegidda danaha guud ee Soomaaliyeed.
Xafiiska Xarunta Nabadda, Xuquuqul Insaanka iyo Dimuquraadiya